633 Views

Madaxweynaha Jubbaland oo dib ugu laabtay Kismaayo

Madaxweynaha Jubbaland oo dib ugu laabtay Kismaayo
____________________________________________________________________________

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam, oo maalmahii lasoo dhaafay safar shaqo ku joogay magaalada muqdisho ayaa maanta dib ugu laabtay Magaalada Kismaayo ee Caasimada KMG ah ee Jubbaland.
Masuuliyiin katirsan labada gole ee yo dadweyne kala duwan ayaa Madaxweynaha kusoo dhaweeyay garoonka diyaaradaha sayid Maxamed Cabdille Xasan ee magaalada Kismaayo.

Madaxweynaha ayaa muqdisho kaga soo qeyb galay shirka madasha wadatashiga qaran ee arrimaha Doorashooyinka oo laga soo saaray go’aamo Cusub oo lagu sii dhaqaajinayo doorashooyinka golaha shacabka ee qeybo kamid ah dalka ka bilowday.

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post