3939 Views

Shir Ganacsi oo ka furmay Muqdisho

Shir Ganacsi oo ka furmay Muqdisho
____________________________________________________________________________

Muqdisho, August 17, 2016: Wasaaradaha Ganacsiga iyo Maal-gashiga ee Soomaaliya iyo Masra ayaa shalay uga furmay magaalada Muqdisho kaas oo mudo todobaad ah soconaya, loogana hadlayo arrimaha ganacsiga ee labada dhinac.

Shirkan ayaa waxaa ka qayb galaya Rugta ganacsiga Soomaaliyeed iyo Shirkadda korontada ee BECO iyo Rugta ganacsiga Masar iyo Midowga maalgashatada dalkaas iyo ganacsato kale oo labada dal ka socda.

Mudane C/rashiid Maxamed Wasiirka Ganacsiga dowladda Soomaaliya, ayaa sheegay in shirka noocan ah uu macno wayn u leeyahay shacbka labada dal ee uu ganacsiga ka dhaxeeyo.

Waliid Maxamed Safiirka Masar, ayaa dhankiisa muujiyey sida uu uga faraxsan yahay bogga cusub ee u furmay ganacstada labada dal.

Xubno ka kale socday ganacsatada labada dal ayaa iguna ka hadlay madasha waxa ay ku soo bandhigeen samples(Nuqulo) kamida badeecooyinka ay ka ganacsadaan.

Talaabadan ayaa ah mid muhiim ah oo labada dawladood iyo ganacsatooda ku danaysan-doonaan mustaqbalka soo socda.

ganacsi-masar2ganacsi4ganacsi-masar4

———————————

Qaranimo Online | Muqdisho

 

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment