828 Views

Itoobiya oo ku dhawaaqdey xabad joojin hal dhinac ah Xili Dabaaldagyo ka socdaan xarunta gobolka Mekelle

Itoobiya  oo  ku dhawaaqdey xabad joojin hal dhinac ah Xili Dabaaldagyo ka socdaan xarunta gobolka Mekelle
____________________________________________________________________________

Talaado: June 29 2021

Dowladda federaalka Itoobiya, ayaa ku dhawaaqdey xabad joojin hal dhinac ah, iyadoo taasi ay timid ka gadaal markii uu ka codsadey maamulka kumeel gaarka ah ee gobolka Tigray.

Wargeyska gaarka ah ee Addis Standard, ayaa la xiriiriyey talaabadani xabad joojinta kadib markii ay jabhadda Tigray ee TPLF ay qabsatey xarunta gobolkaasi Mekelle. Ciidanka dowladda federaalka Itoobiya, ayaa lala xiriiriyey dagaalkii u danbeeyey ee gobolka Tigray, laakiin way beeniyeen ciidanka eedeyntaasi.

Magaalada Mekelle iyo gobolka Tigray kama aysan dhicin wax doorasho ah, guddiga doorashadana Itoobiyana, waxey sheegeen inaaney suura gal aheyn iney doorasho ka dhacdo.

Xaaladda gobolka Tigray ayaa is badbadaleysa, iyadoo taasi ay abuurtey jah wareer dhanka maamulka dowladda federaalka ah ee Itoobiya ah.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post