1389 Views

Madaxweyne Deni Oo Ka Hadlay Dilkii Caasho Ilyaas Aadan

Madaxweyne Deni Oo Ka Hadlay Dilkii Caasho Ilyaas Aadan
____________________________________________________________________________

Mogdishu | QOL | Febaraayo 26, 2019 –Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa cambaareeyey falkii arxan darada ahaa ee habeen kahor loogu geystay Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug Allaha u Naxariistee Caasho Ilyaas Aadan oo jirtay 13-sano.

Madaxweynaha ayaa tilmaamay in haweenku yiihiin dadka ay ku jirto karaamada bini aadamka, wuxuu tilmamaay in ay yihiin laf dhabarta bini’aadamka iyo horumarka bulsho kasta.

Sidoo kale Madaxweynaha Puntland ayaa cadeeyey in talaabo sharciga waafaqsan laga qaadi doono cid kasta oo ku xad gudubta xaquuqda bini’aadamka.

Dhinaca kale Saciid Cabdullaahi Deni ayaa tacsi u diray eheladii,qaraabadii iyo dhammaan Shacabka Soomaalieed ay ka baxday Marxuumad Caasho Ilyaas Aadan,isagoona ku amray laamaha amniga in ay si deg deg ah baaritaano dhab ah ugu sameeyaan dilkii loo geystay Marxuumada.

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogdishu 

_____________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment