1221 Views

Taliban oo sheegtay iney kordhineyso iskaashiga kala dhaxeeya Turkiga.

Taliban oo sheegtay iney kordhineyso iskaashiga kala dhaxeeya Turkiga.
____________________________________________________________________________


Arbaco: September 15, 2021

Afhyeen u hadlay Taliban oo lagu magacaabo Suhayl Shaheen ayaa sheegay in dalalka Afghaanistaan iyo Turkigu uu ka dhaxeeyo xiriir taariikhi ah isla markaana dowladda cusub ee Mullah Xasan Akhund ay doonayso in ay sii kordhiso iskaashiga kala dhaxeeya Turkiga.

Shaheen ayaa sheegay in Afghaanistaan ay rabto in ay sare u qaaddo iskaashiga ay la leedahay Turkiga waliba dhinacyo kala duwan.

Wuxu intaa raaciyay in gudaha Afghanistan ay joogaan injineero iyo shaqaale kale oo ka soo jeeda dalka Turkiga kuwaas oo uu tilmaamay in ay dalka ka hayaan howlo muhiim ah.

Afhyeenka u hadlay Taliban oo waraysi siinayay warbaahinta laga leeyahay dalka Turkiga ee Haberler.com, waxaa uu yiri: “Waxaan rabnaa in aan xoojino xiriirka Turkiga aan la leenahay mustaqbalka waxaan doonaynaa in aan sare u qaadno iskaashiga dhinacyada waxbarashada dhismaha iyo dhaqaalaha”.

Mar uu ka jawaabayay su’aal la waydiiyay oo ku saabsaneed siyaasadda arrimaha dibadda ee madaxweyne Recep Tayyip Erdogan, waxaa uu sheegay in dal walba uu leeyahay siyaasad arimo dibadeed oo isaga gooni u ah ayna sidaa u tixgalinayaan arrintaas.

Shaheen ayaa tilmaamay in dowladda cusub ee Afghanistan ay muhiimadda siinayso horumarinta danaha isku midka ah ee ka dhaxeeya iyaga iyo dalka Turkiga.

Waraysigaan uu bixiyay afhyeenka Taliban wuxuu ku sheegay in hadba mowqifkoodu uu ku xiran yahay sida uu noqdo kan dalka Turkiga:, “Waxaan u qaadan doonnaa mowqifkeenna sida Turkiga uu ka doonayo xiriirka, haddii uu ka baxo sida walaalka Muslimka ah.”

“Markaas annaguna waxaan ka soo bixi doonnaa si la mid ah taa, waana la soo dhaweynayaa. Waxaana u aragnaa Turkiga walaal Muslim ah”, ayuu yiri Suhayl Shaheen.

Wuxuu sheegay in ay socdaan wadahadllo u dhaxeeya Turkiga Taliban iyo Qadar, kuwaas oo ku saabsan howlaha garoonka Kabul. Bishii la soo dhaafay ayay Taliban ku boorisay Turkiga inuu gacan ka gaysto arrinta garoonka caasimadda Kabul.

BBC SOMALI

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post