1110 Views

Dowladda oo faah faahisey xaaladda dhaawacyada qarixii shalay

Dowladda oo faah faahisey xaaladda dhaawacyada qarixii shalay
____________________________________________________________________________

Mogadisho  –December 29–2019 | —Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta ayaa ka warbixiyay xaalada dhaawacyadii Waxyeelada Kasoo gaartay qaraxii shalay ka dhacay magaalada Muqdisho iyo gurmad ka yimid dowladda aan walaalaha nahay ee Turkiga.

 

Wasiirka ayaa sheegay in ay ku mashquulsanyihiin kala soocidda dhaawacyada, si deg deg loogu qaado kuwa culus ee aan wadanka gudihiisa waxba looga qaban Karin.

 

 

 

Wasiir Maareeye ayaa sheegay in ay soo gaartay Muqdisho diyaarad ay la socdaan dhaqaatiir iyo daawooyin ay soo dirtay dowladda aan walaalaha nahay ee Turkiga , isagoo xusay in ay diyaaraddaas la socdeen ilaa iyo 24 dhaqtar oo ka qayb qaadan doono daawaynta dhaawacyada qaraxii shalay.

 

Wasiirka ayaa xaqiijiyay in ay diyaaraddan ay qaadi doonto ilaa dhowr iyo toban ruux oo la is leeyahay waxa ay u baahanyihiin isbitaal ka casrisan isbitaalada magaalada Muqdisho

 

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

__________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment