1317 Views

Muwaadin Soomaaliyeed Oo Xalay Lagu Dilay Dalka Koonfur Afrika

Muwaadin Soomaaliyeed Oo Xalay Lagu Dilay Dalka Koonfur Afrika
____________________________________________________________________________

Mogadishu | QOL | February 18, 2019–Kooxo burcad Koonfur Afrikan ah ayaa xalay   Magaalada Port Elizabethe ee wadanka Koonfur Afrika waxa ay ku dileen Muwaadin Soomaaliyeed oo kamid ahaa dadka ganacsiga ku leh dalkaasi.

Dilkan ayaa waxa uu ka dhacay Xaafadda lagu magacaabo New Brighton ee Magaalada Port Elizabeth ee Gobolka Eastern Cape,isla markaana rag burcad oo hubeysan ay toogteen Muwaadinka Soomaaliyeed,xili uu saarnaa gaari uu watay.

Allaha u naxariistee Muwaadinka la dilay ayaa waxaa lagu magacaabi jiray Yuusuf Maxamed Ibraahim,waxaana uu kamid ahaa Ganacsatada Soomaaliyeed ee kunool dalka Koonfur Afrika,iyadoo ragii ka dambeeyay dilkiisa ay goobta ka baxsadeen.

Inta badan Dalka Koonfur Afrika ayaa waxaa ka dhaca dilal kala duwan,kuaawsi oo loogu geysto Muwaadiniinta Soomaaliyeed ee halkaasi ku ganacsata,waxaana Sanadkaan cusub ee 2019 gudihiisa lagu dilay dalkaasi dhowr qof oo Soomaali ah.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

______________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment