1506 Views

Dadka ku heybta ah taliyaha NISA Fahad Yaasiin ee lagu heesto B/weyne oo Dil loogu hanjabay. Dhagayso

Dadka ku heybta ah taliyaha  NISA Fahad Yaasiin ee lagu heesto B/weyne oo Dil loogu hanjabay. Dhagayso
____________________________________________________________________________

.

Axad: September 5, 2021

Wararka ka imaanaya Magaalada B/weyne ayaa sheegaya in kooxdii Heysatay dadka  Qabiilka ahaan loogu heesto Dilkii Ikraan Tahliil ayaa ku hanjabay in ay Dilayaan dadkaas. Hadaan War cad la soo saarin saacadaha soo socda.

 Afhayeen u hadlay koox hubeysan oo afduub ka geysatay magaalada Beladweyne ee xarunta gobalka Hiiraan dadkaas ku heebta ah Fahad yaasiin ayaa sheegay in ay Dilayaan dadkaas.

Kooxdaan oo qaraabo la ah Ikraan Tahliil ayaa sheegay in ilaa afar qof oo rag ah u heystaan kiiska Ikraan, kuwaas oo dhamaantood ku heyb ah taliyaha hay’adda NISA Fahad Yaasiin oo kasoo jeeda beesha Reer Aw-Xasan. 

“Haddii aan 48 saac gudahood jawaab cad heli weyno, waxaa ragaan marsiin doonaa wadadii ay martay Ikraan Tahliil,” ayuu yiri afhayeenka u hadlay kooxdaan, oo lagu magacaabo Cabdiweli Maxamuud Cabdulle. 

“Dadkaan kaliya kuma sinaan doonto xaalada ee waxaan beegsan doonaa dadka ay ka dhasheen Kulane Jiis iyo Farmaajo,” ayuu hadalkiisa sii raaciyay Cabdiweli oo u hadlay kooxda afduubka ka wada Beladweyne, islamarkaana ka careysan dilkii iyo afduubkii Ikraan Tahliil. 

about:blank Sidoo kale waxa uu meesha ka saaray in ay wax ku qaadanayaan baaqyada loo jeedinayo iyo dadaalada socda ay wadaan wax garadka soomaaliyeed.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post