1224 Views

Sharmaake:-Kala qeybsanaanta ka dhex jirta Ciidamada Amniga ayaa wiiqi karta wadahadallada doorashada!

Sharmaake:-Kala qeybsanaanta ka dhex jirta Ciidamada Amniga ayaa wiiqi karta wadahadallada doorashada!
____________________________________________________________________________

Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaake Ra’iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya ayaa sheegay  in guul laga gaaro wada hadalada soo aadan ee doorashooyinka madaxtinimada iyo baarlamaanka Soomaaliya ay  ku xiran tahay in marka hore dib-u-qaabeyn lagu sameeyay madaxda hay’adaha amniga wadanka.

Sharmaake oo ka tirsan Aqalka Sare ee baarlamaanka federaalka ah ayaa intaas ku daray in ra’iisul wasaaraha xukuumadda xilgaarsiinta uu u baahan yahay “jawi xasiloon si uu ugu guuleysto waajibaadka culus”.

Madaxweynaha mudo xileedkiisu dhamaaday ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ku wareejiyay Ra’iisul wasaare Maxamed Xuseen Rooble “in uu hogaamiyo geedi-socodka doorashooyinka iyo qorshaha guud ee ammaanka qaranka”.

Siyaasiyiinta Mucaaradka ah ayaa rumeysan in Rooble uusan wali u madax-banaaneyn go’aanadda qaar, waxaana ay ku booriyeen in si loo uu u helo kalsooni buuxda uu u baahan yahay isbedel uu ku sameeyay hay’adaha ammaanka oo ku milmay siyaasada.

“Kala qeybsanaanta ka dhex jirta Ciidamada Amniga ayaa wiiqi karta wadahadallada socda ee doorashada. Ra’iisulwasaaruhu wuxuu mudan yahay jawi deggan si uu ugu guuleysto wadaxaajoodyadda loona maareeyo geeddisocodka doorashooyinka. Xaaladdaan ayaa si deg deg ah loogu baahan yahay dib u habeyn hoggaanka hay’adaha amniga ah si loo mideeyo loona tayeeyo ciidamada,” ayuu  yiri Sharmaake.

Safiirka Midowga Yurub ee Soomaaliya Nocolas Berlanga ayaa horay ugu baaqay in ciidamada militariga laga saaro magaalada Muqdisho, oo ay ku wada sugan yihiin ciidamada dowladda iyo kuwa kasoo horjeeda.

Berlanga ayaa ku baaqay in cid kasta oo dooneysa in kaalin togan ka qaadato doorashooyinka dalka ay ra’iisul wasaare Maxamed Xuseen Rooble ku taageerto shaqooyinkiisa muhiimka ah.

Magaalada Muqdisho ayaa waxaa Axaddii 25-ka April soo galay ciidamo ka tirsan militariga oo sheegay inay diidan yihiin muddo kordhintii uu sameeyey Golaha Shacabka, kuwaas oo kadib ay dagaalameen ciidanka kale ee dowladda.

Inkasta oo Golaha Shacabka uu ka laabtay muddo kordhinta, islamarkaana ra’iisul wasaare Rooble uu ku baaqay in cidianka ay ka baxaan caasimadda kuna noqdaan xeryahooda, haddana weli ciidamada labada dhinac ayaa ku wada sugan gudaha Muqdisho.

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post