720 Views

Qaar kamid ah madaxda dalalka qaaradda Yurub oo booqasho kutagay Yukreeyn.

Qaar kamid ah madaxda dalalka qaaradda Yurub oo booqasho kutagay Yukreeyn.
____________________________________________________________________________

Khamiis: June 16, 2022

Madaxweynaha dalka faransiiska imaanawal makroon,hogaamiyaha Jarmalka Oolaf Iskoolaz ,Reysulwasaaraha taliyaaniga Mariyo Daraagi  iyo madaxweynaha Romaaniya ayaa booqasho rasmi ah kutagay magaalada Kiyeef ee caasimadda yukreeyn waxaana lafilayaa in ay lakulmaan madaxweynaha Yukreeyn Faladamiir zalaniski.

Socdaalkan ay kutageen yukreeyn madaxda waddamada faransiiska,taliyaaniga iyo jarmalka ayaa qaatay todobaadyo si loo agaasimo safar ay u isticmaalaan tareen kaasi oo ay manta kugaareen kiyeef iyadoo ay jirtay saluug laga qabo sida waddamada ree galbeedka ay uga falceliyeen duullaanka ruushku u kuqaadau Yukreeyn.

Safiirka faransiiska ufadhiya yukreeyn ayaa bartiisa tuwiitarka soo dhigay sawir ay kuwadajireen saddexda hogaamiye kaasi oo laga qaaday xilli ay kusugnaayeen tareenka ay kusocdaalayeen waxaana sawirkaas qaadday sawir qaade kamid ah shaqaalaha warbaahin laga leeyahay wargeys kasoo baxa taliyaaniga.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post