1005 Views

Muwaadiniin ka cabanaya Hay’adda socdaalka & jinsiyadaha Soomaaliya

____________________________________________________________________________

Kaddib markii qoraal ay soo saartay hay’adda socdaalka & jinsiyadaha Soomaaliya lagu sheegay in ay billaabanayaan maanta oo taariikhdu ku beegneyd 3-da bisha Ogoosto duulimaadyadii caalamiga ahaa ee imaanayey Aden Adde Internatioal Airport, ayaa waxaa cabashooyin is-daba joog ah ka soo yeerayaan boqolaal Soomaali ah, oo ka kala imaanayey daafacaha caalamka kuna soo jeeday magaalada Muqdisho oo lagu celiyey garoomada dalalkii ay ka soo baxayeen markii lagu wargeliyey in hay’adda socdaalka ay u sheegtay shirkadaha ay diyaaradahoodu imaanayaan  Soomaaliya in aysan soo qaadi karin rakaab aan wadan warqada cadayneysa in uusan qabin cudurka Covid19.

“Markii aan garoomadii nimid oo duulimaadyadeenii ay saacado koobban ka dhiman yihiin ayaa na lagu wargeliyey in warqadaas ay shardi tahay, inta dalal kale ay leeyihiin idinka lacagaha ka qaata oo baara, maxaa u diidaya in ay iyagu lacagtaasi qaataan oo dadka baaraan, qofkii ay ka helaan xanuunkana karantiil geliyaan, halkaas waxaa kaaga muuqata aqoon darrida haysata hay’addeena, dunidda ku arki meysid dal dadkiisa muwaadiniinta ah ku leh dal kale  isku soo baara oo lacag siiya” Ayuu yiri Cabdifataax C/qaadir oo saxaafadda la soo xiriiray isaga oo ku sugan Garoonka Roma ee dalka Talyaaniga, wuxuuna  intaasi raaciyay in dad fara badan oo uu ka mid yahay ay dhibaato ka qabsatay in ay bixiyaan qarashaad fara badan oo ay ka mid tahay in ay warqadihii sameystaan iyo in ay tikit-kii lacag ku daraan maadama ay dayuuradihii ka tageen, sidoo kale ay hoteel kiraystaan.

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post