117 Views

Madaxweyne ku xigeenka cusub ee Puntland oo maanta la wareegay xafiiskiisa

Madaxweyne ku xigeenka cusub ee Puntland oo maanta la wareegay xafiiskiisa
____________________________________________________________________________

Garoowe – Madaxwaynaha dowlad gobaleedka Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta xilka u kala wareejiyey Madaxwayne ku xigeenkii hore ee Puntland Axmed Cismaan Cilmi Karaash iyo Madaxwayne ku xigeenka cusub ee dhawaanta la soo doortay Ilyaas Cismaan Lug Atoor.

Xafladan Xil wareejinta oo ka dhacday gudaha Madaxtooyada Puntland ee Garoowe ayaa waxaa goojoog ka ahaa Madaxwaynaha Puntland Mudane Siciid Cabdulaahi Dani, Wasiiro kala duwan, Howlawadenada Xafiisyada Madaxtooyada Puntland iyo labada Mas’uul ee Xilka Madaxwayne ku xigeenka Puntland la kala Wareegayay..

Madaxwayne ku xigeenkii hore ee Puntland xilkana wareejinayay Axmed Cismaan Cilmi Karaash ayaa u hambalyeeyay Madaxwayne ku xigeenka cusub, xilli uu xusayna in uu yahay shaqsi fahamsan shaqada Xafiiska iyo waxa looga baahan yahay.

Ilyaas Cismaan Lug Atoor Madaxwayne ku xigeenka cusub ee Puntland ayaa dhankiisa ka mahadceliyay shaqadii wanaagsanayd ee uu soo qabtay mudadii uu Joogay Xafiiska Madaxwayne ku xigeenka Puntland.

Madaxwaynaha Puntland Mudane Siciid Cabdulaahi Dani oo Xilkan u kala wareejinayay labadaan mas’uul ayaa u mahadceliyay Madaxwayne ku xigeenkii hore Axmed Karaash sidoo kalana kula dardaarmay Madaxwayne ku xigeenka cusub in uu shaqada Xafiska halkeedii ka sii wado.

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post