507 Views

Madaxweynaha Hirshabeelle Oo ku baaqay In Gurmad La Gaarsiiyo Dadka ay Abaarta Sameeysay

Madaxweynaha Hirshabeelle Oo ku baaqay In Gurmad La Gaarsiiyo Dadka ay Abaarta Sameeysay
____________________________________________________________________________

.


Isniin:July 4, 2022

Madaxweynaha ayaa Shirka Golaha Wasiirada ee maanta warbixino uga dhageystay Wasiirka Amniga gudaha, Wasiirka Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka iyo Gudiga Gurmadka Abaaraha.

Shirka ayaa looga hadlay howlgalada ka dhanka ah kooxaha Argagixisada ee ka socda deegaanada Hirshabeelle iyo sidii loo adkeyn lahaa amaanka Caasimadda.

Kulanka Golaha Wasiirada ayaa diirada lagu saaray abaaraha iyo biyo la’aanta baahsan ee ka jirta deegaanada Hirshabeelle, iyadoo dhulka miyiga ah ay ka soo barakaceen dadkii ku noolaa kadib markii ay waayeen wax ay cunaan, xoolihii ay dhaqanayeena ay abaartu ka baabi’isay.

Madaxweynaha ayaa ku baaqay in si degdeg ah loogu gurmado dadka ay dhibaatada xooggan kasoo gaartay abaaraha waxa uuna faray Wasaaradda Gargaarka iyo Guddiga Gurmadka Abaaraha inay hay’addaha ku adkeeyaan sidii degdeg loogu gurman lahaa dadka ay dhibaataysay abaarta.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post