1125 Views

Guddoomiyihii hore ee degmada Maxaas oo xukun lagu riday

Guddoomiyihii hore ee degmada Maxaas oo xukun lagu riday
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL |  Oktoobar 30, 2019 —WaMaxkamadda darajada koowaad ee Ciidanka qalabka sida ayaa saaka xukuno kala duwan ku riday eedeysanayaal loo haysto qarax ka dhacay degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan.

 

Cali Axmed Guure (Qoyane) oo maqane ah laguna Eedeeyey in uu ka tirsan yahay Al-Shabaab iyo Nuur Ibraahim Mahad Alle ayaa lagu wada xukumay dil toogasha ah halka Cabdirxmaan Sheekh Cilmi Cawaale gudoomiyihii  hore ee degmada Maxaaas lagu xukumay xabsi daa’in.

 

Dhammaantood waxaa loo heystaa Qarax uu ku dhintay Guddoomiye ku xigeenkii degmada Maxaaas Rashiid Cusmaan Cabdi  kaas oo dhacay 19/04/2019.

 

Faah faahinta Warkaan kala socda radiorisaala.com

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

____________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment