924 Views

Booliiska Soomaaliyeed oo ka warbixiyay howlgalo lagu qabtay Qaraxyo oo ka dhacay Afgooye

Booliiska Soomaaliyeed oo  ka warbixiyay howlgalo lagu qabtay Qaraxyo oo ka dhacay  Afgooye
____________________________________________________________________________

Sabti: October 16, 2021

Taliska ciidanka Booliiska Soomaaliyeed ayaa ka warbixiyay howlgal qorsheysan oo ciidanka gaarka ah ee la dagaalanka argagixisada ka fuliyeen degmada Afgooye ee gobolka Sh/hoose.

Qoraal kooban oo ka soo baxay Booliska ayaa lagu sheegay in howlgalkaas lagu soo qabtay miinooyin la diyaarinayey iyo hub kale oo wax lagu gumaado.

“Cutubka La dagaallanka Argagixisada Boliiska Soomaaliya ayaa Howlgal qorsheysan oo uu ka fuliyay degmada Afgooye ayaa Gacanta ku soo dhigay Miinooyin Farsamo ku socotay, Banbaanooyin Gacmeedyo iyo baaruuda Miinooyinka loo isticmaalo” ayaa lagu yiri qoraalka Booliiska

Waxaa sidoo kale lagu sheegay qoraalka in Boolisku ay ku daba jiraan shaqsiyaadkii ku lug lahaa farsamada qaraxyadan, ayna sii socon doonaan howlgalada noocan ah ee lagu xaqiijinayo amaanka.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post