561 Views

Lacagtii dowladda Imaaraadka Carabta ee xukumadda Farmaajo ay xayirtay oo la fasaxay

Lacagtii dowladda Imaaraadka Carabta ee xukumadda Farmaajo ay xayirtay oo la fasaxay
____________________________________________________________________________


Khamiis: May 19, 2022

Lacagtii dowladda Imaaraadka Carabta ee xukumadda Farmaajo ay xayirtay sanaddii 2018 ayaa la fasaxay, ayada oo lagu wareejiyey safiirka dalkaas ee Muqdisho.

Sii-deynta lacagtaas oo dhan $9.6 milyan ayaa timid ka dib go’aan kasoo baxay Maxkamadda Gobolka Banaadir oo lagu amray in la fasaxo lacagtaas.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa horanatii sanadkan wuxuu dowladda Imaaraadka ka raali geliyay dhacdadii bishii April 2018 ay dowladda Soomaaliya ugala wareegtay lacagtaas oo laga soo dejiyey garoonka Aadan Cadde, wuxuuna amray in la fasaxo. Waxaase markiiba go’aankaasi hor istaagay madaxweyne Farmaajo.

Safiirka imaaraadka maxamed Axmed Al’uthman ayaa la sheegay inuu maanta lacagtaasi la wareegay

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post