2115 Views

Boqorka Urdun Oo Xilkii Ka Qaaday Taliyihii Sirdoonka Iyo Saraakiil Kale

Boqorka Urdun Oo Xilkii Ka Qaaday Taliyihii Sirdoonka Iyo Saraakiil Kale
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | May 04, 2019 –Boqorka dalkaasi,  C/llaahi Bin Xuseen Bin Dalaala waxa uu shaqadii ka cayriyey dhowr saraakiil sarsare, oo uu ku jiro Madixii Hay’adda Sirdoonka, kadib, markii ay soo baxeen warar sheegaya qorshe lagu doonayo inuu wax loogu dhimo deganaanshaha dalkaasi.

Wargeyska Al-qabaas ee dalka Kuweyt oo soo xigtay ilo aan la shaacinin ayaa qortay in dhowr Saraakiil sarsare iyo kuwo awood leh qabanqaabiyeen dibadbax weyn oo ka dhaca duleedka Qasriga Boqortooyadda ee caasimadda dalkaasi ee Camaan, oo ay ku muujinayaan inay yar tahay kalsoonida uu Ra’isul-wasaare Omar Rasaaq iyo inay deganaansho la’aan ka abuuraan dalkaasi.

Boqorka Urdun, waxa kaloo la sheegay inuu xilkii ka qaaday Agaasimihii Guud ee Waaxda Sirdoonka, Jeneral Cadnaan Al-jundi, kaasi oo awood xooggan ku lahaa dalkaasi.

Boqor C/llaahi Bin Xuseen Bin Dalaala waxa uu go’aansaday inuu Jeneralkaasi ka dhigo Hawlgab, waxaana xilkiisa loo magacaabay Jeneral Axmed Xusni oo horey xilal kala duwan ka soo qabtay Haya’adda sirdoonka dalkaasi.

 

Hadal-qoraal oo uu soo saaray Boqorka dalka Urdun waxa uu ku sheegay in Isbedelkaasi yimid, kadib, habacsanaan ka muuqatay dhinaca Nidaamka Maareynta sitdoonka Qaranka iyo  in la ogaaday inay qaar ka mid ah dadka  u adeegsanayaan Xilalkooda danahooda Khaaska.

 

Sidoo kale, waxaa xilkii laga qaaday qaar ka mid ah Saraaksiiah ka hawlgala Qasriga Boqortooyadda dalkaasi, oo uu ku jiro Madixii Siyaasadda iyo Saxaafadda.

 

warbaahinta dalka Urdun waxay qorseen in isbedelo lagu sameeyey Ciiddanka Boliska iyo kuwa Milliteriga, iyadoo Taluayayaal cusub loo magacaabay qara ka mdi ah Goballadda dalkaasi,

 

Sida laga so oxigtaay Saraakiisha dalkaasi waxaa la rajeynayaa Isbedel dheeraad o olagu sameeyo Saraakisiha ka hawl-gasha Qasriga Boqortooyadda iyo xilalka Difaaca.

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_______________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment