501 Views

Jubbaland oo ATMIS kala shirtay howlgal ka dhan ah Al-shabaab

Jubbaland oo ATMIS kala shirtay howlgal ka dhan ah Al-shabaab
____________________________________________________________________________

Isniin: AUGUST 1, 2022

Madaxweyne ku-xigeenka kowaad ee Dowladd Goboleedka Jubbaland Maxamuud Sayid Aadan ayaa maanta xarunta Madaxtooyada Maamulkaas ku shir gudoomiyay Shirka Amniga Jubbaland, kaas oo bishiiba mar la qabto.

Shirkan oo qaatay saacado badan ayaa waxaa goob joog ka ahaa xubno ka tirsan Golaha Wasiirada Jubbaland, Saraakiisha Ciidanka Jubbaland, Xoogga Dalka iyo kuwa ATMIS.

Waxaana looga hadlay xaaladda amniga guud ee Jubbaland, iyadoo warbixino looga dhageystay Taliyayaasha qaybaha kala duwan ee Ciidanka.

Kulankaan amniga looga hadlayey ayaa waxa uu yimid xilli lamaha amniga Jubbaland iyo kuwa Xoogga dalka kordhiyeen howlgalada Ka dhanka ah Al-shabaab kaas oo ay ka fulinayaan Gobolka Jubbada Hoose

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post