1020 Views

Muslimiin gaaraya 20 oo lagu laayahay gobolka Amxaarada ee Itoobiya

Muslimiin gaaraya 20 oo lagu laayahay gobolka Amxaarada ee Itoobiya
____________________________________________________________________________


Arbaco: April 27, 2022

Labaatan qof oo muslimiin ah ayaa lagu dilay gobolka Amxaarada ee dalka Itoobiya iyagoo u sii socday goob ay aas ka dhaceysay.

Dhacdadan ayaa u muuqata inaysan xiriir la lahayn colaaddii u dhaxeysa ciidamada dowladda Itoobiya iyo fallaagada Tigray.

Madaxa golaha saree e arrimaha muslimiinta ee gobolka Amxaarada ayaa sheegay in qarax ka dhashay miinada kuwa gacanta ah oo lagu tuuray dadkaasi ay ku dhinteen sadex qof.

Waxaa uu intaa raaciyay in dadka kale ay dhinteen kaddib markii uu bilowday isku dhac sababay in la bililiqeysto dukaamada.

Qabuuraha uu weerarku ka dhacay ayaa waxaa ka taagnaa muran u dhaxeeyay Muslimiinta iyo masiixiyiinta ortodokska oo u badan dadweynaha ku nool dalka Itoobiya.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post