603 Views

Taliyayaasha militariga ee Howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya oo ka shiray dardargalinta Dagaalka Al-shabaab

Taliyayaasha militariga ee Howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya oo ka shiray dardargalinta Dagaalka Al-shabaab
____________________________________________________________________________


Sabti: August 28, 2021

 Taliyayaasha militariga ee Howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya ayaa ka shiray dardargalinta howlgallada wadajirka ah ee ay la wadaagaan Ciidanka Xoogga Dalka ee Soomaaliyeed ee ka dhanka ah dagaalamayaasha Al-Shabaab.

Kulan oo socday muddo labo maalmood ah kana dhacay Muqdisho,ayaa diiradda lagu saaray arrimo la xiriiray xoojinta amniga doorashada iyo u diyaar garowga howlgalka AMISOM ee sanadkaan 2021 -ka.

Kulankaasi waxaa mudadii uu socday taliyayaashu ay ku  ku qiimeeyeen horumarka ilaa hadda laga gaaray, Fikirka laga qabo Hawlgallada AMISOM, Qorshaha Kala-guurka iyo hirgelinta Qaraarka Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ee 2568 (2021).

Ciidamada midowga Afrika ee Soomaaliya ayaa ku sugan qeybo kamida dalka, iyadoo weli uu socdo qorshaha ay amniga dalka ugu wareejinayaan ciidamada xoogga dalka.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post