2730 Views

Dhagayso :- R/Wasaaraha dalka oo ka hadlay qarax caawa ka dhacay Muqdisho

Dhagayso :- R/Wasaaraha dalka oo ka hadlay qarax caawa ka dhacay Muqdisho
____________________________________________________________________________

Muqdisho  | QOL | June 14, 2017— Ra’iisul Xukuumada Soomaaliya Xasan Cali Khayre ayaa ka hadlay Qarax Xoogan oo caawa ka dhacay Hotelka Posh iyo Weerarka tooska ah ee hada socdo.

Halkan Ka Dhagayso

Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in uu aad ugu xun yahay qaraxa dhacay iyo khasaaraha ka soo gaaray dadka soomaaliyeed ee Hotelka ku jiray.

“Halkaan anagoo fadhina ayaad maqleyseen in uu qarax dhacay hada, qof walbo oo idinka idiinka mid ah telefoonkiisa ayuu ku booday kulligeen waan damqananay, waxaa laga yaabaa qaraxaasi in dad soomaaliyeed ay wax ku noqdeen ayuu yirin Xasan Cali Khayre”.

Waxa uu dadka soomaaliyeed ugu baaqay in meel loogu soo wada jeesto ka hortaga qaraxyada ka dhacaya dalka iyo dhibaatada dadka soomaaliyeed lagu hayo.

” Waxaan aqbalnay in qarax dhaco oo aan ka cararno, in qof meel lagu dilo oo aan ka aamusno taasina macquul ma ahan, waa in aan Ciidamada amaanka la shaqeynaa ayuu yiri mar kale Ra’isul wasaaraha”.

Hadalkaan ayuu Ra’isul Xukuumada Soomaaliya Xasan Cali Khayre ka sheegay kulan ka socday Madaxtooyada Soomaaliya xilliga uu qaraxu dhacaayay.

.

W/Q:- BASHIIR BARRE ALI

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

________________________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment