1200 Views

SAWIRO:-Muhaajiriin ay Soomaali ku jiraan oo laga soo musaafuriyay Libya

SAWIRO:-Muhaajiriin ay Soomaali ku jiraan oo laga soo musaafuriyay Libya
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | Maajo 31, 2019  –In ka badan 150 Ruux oo ay Soomaali ku jiraan ayaa Magangalyo waxa ay ka heleen dowladda Talyaaniga,iyaga oo laga keenay dalka Libya oo dagaalo ay ka socdaan halkaas oo ay mudo ku noolaayeen.

 

Muhaajiriintaas ayaa waxaa ay u kala dhasheen dalalka, Soomaaliya, Eritrea, Itoobiya iyo Suudaan,waxaana dalkaasi kazoo qaaday hay’adda qaxootiga u qaabilsan Qaramada Midoobay ee UNHCR.

 

Badankood dadkaasi waxaa la sheegay inay u baahan yihiin nafaqo,waxaana ku jira dadkaasi 65 Carruur ah.

 

Jean-Paul Cavalieri oo ka tirsan hay’adda UNHCR oo ku sugan Liibiya ayaa sheegay loo baahan yahay in la sameeyo daad gurayn banii’aadminimo oo dheeri ah”.

 

Dad badan oo doonayay in ay Yurub aadaan ayaa ku xayirma Liibiya qaarkoodna waxaa lagu xiraa xarumo dadka lagu hayo oo xaaladdoodu aad u liidato,waxaana xaalada sii xumeeyay dagaalada ka socda dalka Libya.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

___________________________________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment