753 Views

Ciidamada dowladda oo la wareegay degaano ay baneeyeen Al-Shabaab

Ciidamada dowladda oo la wareegay degaano ay baneeyeen Al-Shabaab
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | February 1, 2021-Wararka naga soo gaaraya Koonfurta gobolka Mudug ayaa waxaa ay sheegayaan in Ciidamada Xoogga Dalka iyo kuwa Daraawiishta Galmudug ay la wareegeen Deegaano ka tirsan gobolkaas o ay isaga baxeen Ururka Al-Shabaab.

Saraakiil Ciidan ayaa waxaa ay sheegen in Ciidamada oo howlgal ku jira ay la wareegeen degaanka Caad oo ahaa Saldhiga labaad ee A-Shabaab ku lahaayeen Koonfurta Gobolka Mudug.

Sidoo kale saraakiisha waxaa ay sheegeen in Ciidamada ay weli sii wdaan howlgalka ka dhanka ah Ururka Al-Shabaab, si guud ahaan looga saaro degaanada ay weli kaga sugan yihiin Gobolkaasi Mudug.

Wasiirka Amniga mamulka Galmudug Axmed Macalin Fiqi iyo Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Galmudug ayaa booqasho dhiiro galin ah ugu tagay Ciidanka ku howlan  la-dagaalanka Al-Shabaab, iyaga  oo ku amaanay shaqada ay u haayaan Dalka iyo dadka Soomaaliyeed.

Bil ka hor ayaa degaano ka tirsan Gobolka Mudug ayaa waxaa ku dagaalamay Ciidamada dowladda, kuwa Galmudug iyo dadka degaanka oo iskaashanaya & Xubno ka tirsan Al-Shabaab oo weerar ku qaaday degaanka Bacaadweyne iyo degaano kale oo ka tirsan Gobolka Mudug.

xafiiska Wararka Qaranimo Online |
______________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post