852 Views

Madaxweynaha Puntland oo la kulmay Guddigii loo xilsaartay duufaantii GATI

Madaxweynaha Puntland oo la kulmay Guddigii loo xilsaartay duufaantii GATI
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | December 15, 2020 –Madaxweynaha maamulka Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni oo uu weheliyo Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa warbixin ka dhegaystay Guddiga Dowladdu u xilsaartay duufaantii GATI.

Gudiga ayaa si faahfaahsan uga warbixiyey saamaynta khasaare ee ka dhalatay duufaantaasi oo ku dhufatay gobolada Gardafuu, Bari iyo Karkaar, waxay xaqiijiyeen in shacab ku nafwaayeen, xoolo tiro badan ay ku le’deen, iskaashatada kalluumaysataduna ku waayeen dad iyo qalabba, guryo iyo duunyo kalena ay waxyeelaysay.

Madaxweynaha ayaa bogaadiyey safarkii Guddigu ku tageen Goboladaasi iyo shaqada guddiga ee hordhaca ah, wuxuuna faray Hay’addaha Dowladda in guddiga lagala shaqeeyo gurmadka iyo sidii dadka waxyeeladu gaartay wax loo gaarsiin lahaa.


Xafiiska Wararka Qaranimo Online |

______________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post