801 Views

Nin u dhashay Mareykanka oo lacag dhan 5 Milyan oo Dolar dhaxal ahaan u siiyay ey uu lahaa, si loogu xanaaneeyo.

Nin u dhashay Mareykanka oo  lacag dhan 5 Milyan oo Dolar dhaxal ahaan u siiyay ey uu lahaa, si loogu xanaaneeyo.
____________________________________________________________________________

Axad February 14/2/2021

Waxaa qaar kamid ah warbaahinta dalka Mareykanka ay aad u hadal hayeen maalmahan arrin ka dhacday dalkaas oo dhif iyo nadir ah. Nin u dhashay Mareykanka ayaa lacag malaayiin doollar ah dhaxal ahaan uga tegay ey uu lahaa, si loogu xanaaneeyo.

Ninka dhintay oo lagu magacaabi jiray Bill Dorris ayaa geeriyooday sanadkii hore, waxaana isaga iyo eygiisaba ay ku wada noolayeen magaalada Nashville ee gobolka Tennessee ee dalka Mareykanka.

Warqad uu qoray ayuu ku sheegay in eygaas uu uga tegay lacag dhan 5 milyan oo doollar. Ninka dhintay oo lagu magacaabo Bill Dorris ayaa eyga uga tegay haweeney kale oo lagu magacaabo Martha Burton oo ay saaxiibo ahaayeen.

Warqadda dardaranka ayuu ku sharraxay sida iyo cidda ay tahay in la siiyo hantidiisa.

Bill Dorris ayay da’diisu ahayd 84 sano jir, wuxuuna horay u sheegay in sababta lacagta uu uga tegay eyga ay tahay sidii wax looga qaban lahaa baahiyaha eyga, sida cunadiisa, daweyntiisa iyo dadka u adeegaya inkastoo haweeneyda uu kala dardaarmay ay gacanta ku heyso.

Ms Burton oo ah haweeneyda hadda mas’ulka ka ah eyga ayaa sheegtay in Bill Dorris uu aad u jecla eygiisa, waxayna intaa ku dartay in aysan suurtagal ahayn in lacagtaas ay iyada iyo eygaba ay wada isticmaali karaan balse ay isku dayi doonaan.

Lacagta ayaa la sheegay inay gacanta ku heynayaan qolyaha qaabilsan xanaanada xoolaha, waxaana marwalba haweeneyda gacanta ku heysa loo soo diri doonaa lacagta uu eyga u baahan yahay iyo haddii ay jiraan kharashaad kale oo ay u adeegsato xanaanada eyga.

Inkastoo milkiyadda eyga uu markii hore kahor inta uusan dhimanin Bill ku wareejiyay haweneyda, haddana Burton waxay hadda si toos ah ula wareegtay ama ay u dhaxleysaa eygan oo la aaminsan yahay in lacagtii uu ku noolaan lahaa iyo ka baddanba uu uga tegay ninkii lahaa.

Ilaa iyo hadda ma cadda in ninka dhintay uu lahaa qoys ama inay jiraan lacaga kale oo aan ka ahayn 5 milyan ee doollar oo uu dhaxal ahaan uga tegay.

Arrintan ayaa ka fajecisay dad badan oo ku nool meela badan oo caalamka, waxayna si gaar ah ula yaabeen sida lacag intaa la eg dhaxal ahaan loo siiyay eyga oo dad badan laga yaabo in aysan waxtar badan u arkin, waxaase dadka qaar ay ku doodayaan in lacagtaas ay sidookale ahayd in la sadaqeeyo oo la siiyo dad badan oo aanan awoodin wax ay cunaan xilligan oo uu dunida aafeeyay feyraska corona.

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post