780 Views

Safiirkii kuuriya ee Soomaaliya oo ka sheekeeyay wixii ku qabsaday Muqdisho 1991-kii

Safiirkii kuuriya ee Soomaaliya oo ka sheekeeyay wixii ku qabsaday Muqdisho 1991-kii
____________________________________________________________________________

khamiis: August 5, 2021

Maalmahan waxaa si weyn loo hadal hayay filim laga sameeyay xaaladdii diblomaasiyiinta labada Kuuriya ku qabsatay Muqdisho markii uu qarxay dagaalkii Sokeeye 1091-kii. Safiirkii Kuuriya u fadhiyay Soomaaliya ayaa ka sheekeynaya qisadii dhabta ahayd.

Arrinta waxay soo shaac baxday markii Filimka dagaalka ah ee ‘Mogadishu’ uu noqday midkii loogu daawashada badnaa ee Kuuriyada Koonfureed.

Filimka oo ay ka muuqdaan labo jilaa oo caan ka ah dalkaas, Kim Yun-seok iyo Zo In-sung, wuxuu ku saabsan yahay “sheeko dhab ah oo qabsatay diblumaasiyiin u dhashay dalalka Kuuriyada Waqooyi iyo Kuuriyada Koonfureed ee ku sugnaa Muqdisho markii uu dagaalkii sokeeye bilowday, 1991”.

Markii laga soo tago jilitaanka iyo qisada filimka, waxaa hadda hadlaya ninkii ay si dhab ah ugu dhacday arrintaas.

Kang Shin-sung, oo ah danjirihii hore ee Kuuriyada Koonfureed u fadhiyay Soomaaliya ayaa ka warramay xasuusta maalintii uu calanka Kuuriya ku hor babiyay safaaradda Talyaaniga ee Muqdisho horeeda, 1991-kii, isagoo waliba markaas la socday diblomaasiyiin reer Kuuriyada Waqooyi ah.

“Dhammaanteen halkaas ayaan joognay, Diblomaasiyiinta Kuuriyada Koonfureed iyo kuwa Kuuriyada Waqooyi labadaba, waxaana babinaynay calanka Kuuriyada Koonfureed,” ayuu yidhi Kang. “Annagoo dhan waxay noo ahayd xaalad u dhaxeysay nolol iyo geeri, xaaladdaas oo kalena, dadku way illoobayaan kala duwanaanshaha fikradeed ee u dhaxeeya.”

Kang wuxuu horaantii isbuucan la hadlay wargeyska JoongAng Ilbo, wuxuuna ka sheekeeyay qaabkii uu uga soo baxsaday dagaalkii cuslaa ee Muqdisho ka dhacay bishii January ee sanadkii 1991-kii.

Wuxuu sawir dhab ah ka bixiyay qisada jilliinka ah ee lagu matalay filimkii soo baxay dhawaad ee sida weyn looga xiiseeyay waddanka Kuuriyada Koonfureed, maadaama uu ka mid ahaa dadkii ay xaaladdaas qabsatay.

Filimkaas waxaa lagu soo bandhigay qaabkii ay diblomaasiyiinta labada Kuuriya uga badbaadeen rasaastii dhaceysay, iyagoo si wadajir ah u gabbanayay, iskana indho tirayay cadaawadda siyaasadeed ee u dhaxeysay labadooda waddan.

Laakiin dhammaan sheekooyinka lagu jilay filimka ma aha kuwo si sax ah u qeexaya waxyaabihii ay Kang iyo diblomaasiyiinta kale la kulmeen.

Mr Kang wuxuu wargeyska JoogAng u sharraxay taariikhdaas, waxaana wargeyskan uu dib u soo saaray maqaal uu dhacdadaas ka diyaariyay 24-kii bishii January ee sanadkii 1991-kii.

Waxay ahayd 9-kii bishii January ee sanadkii 1991-kii, markii uu Kang oo 54 jir ahaa xilligaas u dhaqaaqay garoonka diyaaradaha caalamiga ah ee Muqdisho, waxaana la socday toddo qof oo ka mid ah shaqaalihii safaaradda Kuuriyada Koonfureed ee Soomaaliya.

Dagaalkii sokeeye ee socday wuxuu markaas burburiyay inta badan magaalada Muqdisho. Maleyshiyaad hubeysan oo dowladda kasoo hor jeeday ayaa weeraray guryo, safaarado iyo dhismeyaal ay lahayd dowladda. Dhawaaqa rasaasta ayaa laga maqlayay waddo kasta.

Garoonka diyaaradaha ayuu ahaa meesha uu Kang kula kulmay safiirkii Kuuriyada Waqooyi u fadhiyay Soomaaliya, Kim Yong-su oo isagana markaas ahaa 55 jir. Isagana waxaa la socday 13 qof oo isgu jiray shaqaalaha safaaraddiisa iyo eheladooda.

Kang waxa uu sheegay in Kim iyo kooxdiisa ay kusoo biireen dadkii isaga la socday ayna doonayeen inay si wadajir ah u raacaan diyaaradda ka baxeysay garoonka, balse uu dhacay xoogaa jah wareer ah, labada dhinacna ay ugu dambeyntii ku xayirmeen meesha iyagoo aan garaneynin goorta uu bixi doono duullimaadka xiga.

“Aad bay khatar u ahayd in garoonka aan kusii sugno diyaarad kale, sababtoo ah goobtaas waxay ka mid ahayd meelaha ugu muhiimsan ee ay ku dagaallamayeen dhinacyada isku hayay Soomaaliya,2 ayuu yidhi Kang.

“Kooxdeyda waxay go’aansadeen inay dib ugu laabtaan dhismihii ay dagganaayeen shaqaalaha safaaradda, ayna halkaas ku sugaan, maadaama aan wali heysannay lix askari oo boolis ah oo amnigeenna sugayay. Markii aan weydiiyay Kim waxa uu sameyn doono, wuxuu ii sheegay in Safaaradda Kuuriyada Waqooyi la weeraray ilaa siddeed jeer, si ay ku badbaadi karaanna aysan ogeyn haddii mar kale lagu soo weeraro.”

Kang wuxuu soo jeediyay in Kim iyo diblomaasiyiinta kale ee reer Kuuriyada Waqooyi ay la joogaan gurigiisa.

Waxaa taas ku xigtay inay hal jiko ku wada karsanayeen cashada, halkaas oo ah gurigii uu dagganaa Kang.

“Dadkii reer Kuuriyada Waqooyi waxay noo keeneen khudaar ay ku beereen dhismaha safaaraddooda gudihiisa iyo bariiskii ay heysteen,” ayuu yidhi Kang. “Cuntadii ayaan isla karsannay waana qaybsannay.”

Markii Kang la weydiiyay su’aal ku saabsaneyd inuu hal mar xitaa ka labolabeeyay in diblomaasiyiinta reer Kuuriyada Waqooyi uu hal meel la seexdo, wuxuu yidhi: “Laguma jirin xaalad laga fikiro wax noocaas ah. Waxa kaliya ee diiradda la saarayay wuxuu ahaa in si wada jir ah looga soo badbaado meeshaas.”

Filimka waxaa lagu sheegay in shaqaalaha Kuuriyada Waqooyi tageen dhismaha ay dagganaayeen shaqaalaha safaaradda Kuuriyada Konfureed si ay caawinaad u weydiistaan, taasoo ay diideen diblomaasiyiinta Kuuriyada Koonfureed.

Balse xogtaas ma aha mid run ah, sida uu sheegay Kang, waa mid ay iska sameysteen jilayaasha filimka.

Kaddib maxaa dhacay?

Aan dib ugu laabanno sheekada dhabta ah ee Kang uu waday.

Markii ay hal meel ku wada hoydeen, Kang iyo Kim waxay si wadajir ah ula xiriireen safaaradaha kale ee ku yaallay Muqdisho, kuwaasoo ay u maleynayeen inay caawinaad ka heli karaan.

Kim wuxuu la xiriiray safaaradda Masar, oo awood u lahayd inay iyadoo mataleysa la hadasho Safaaradda Kuuriyada Waqooyi iyo Qunsuliyadda Kuuriyada Koonfureed ee ku yaallay magaalada Qaahira.

Kang wuxuu isaguna la hadlay safaaradda Talyaaniga, oo u sheegtay inay u kireyn doonto duullimaad ka qaada Muqdisho – laakiin waxay rabtay in la qaado diblomaasiyiinta Kuuriyada Koonfureed oo kaliya. Talyaaniga xilligaas xiriir diblomaasiyadeed ma uusan la lahayn Kuuriyada Waqooyi.

“Waxay noo sheegeen inay heli karaan diyaarad dagaal oo qaadi karta toddobo ilaa siddeed qof halkii marba – wayna ku filneyd dadka reer Kuuriyada Koonfureed ee joogay Muqdisho,” ayuu yidhi ang. “Waxaan u dacwooday safiirka Talyaaniga, waxaana u sheegay in aanan ka tagi karin dadka reer Kuuriyada Waqooyi ah. Waa in dhammaanteen nala qaado ama la iska dhaafo.”

Ugu dambeyntii, dowladda Talyaaniga ayaa diyaarad kale u kireysay labada kooxood ee labada Kuuriyada, si ay uga dhoofaan Muqdisho.

Filimka laga jilay qisadan, waxaa ku jira in atooraha lagu magacaabo Kim Yoon-seok, oo matalayay Kang, uu weydiiyay Heo Joon-ho, oo matalayay Kim, in uu jeclaan lahaa inuu u baxsado dhinaca Kuuriyada Koonfureed. Balse Kang wuxuu sheegay in arrintaas ay tahay mid been abuurasho ah.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post