1149 Views

Dowladda oo sheegtay in howlgal lagu qabtay shan xubnood oo ka tirsan Al-Shabaab

Dowladda oo sheegtay in howlgal lagu qabtay shan xubnood oo ka tirsan Al-Shabaab
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | February 11 2021Shan qof oo lagu tuhunsan yahay in ay ka tirsan yihiin Al-Shabaab  ayay ciidanka xoogga dalka qabteen, ka dib markii howlgal ka sameeyeen degaano dhanka bari kaga beegan degmada Jowhar ee caasimadda Hirshabeele, sida ay sheegeen saraakiisha ciidanka.

Ciidanka howlgalka sameeyay ayaa ka soo roqaansaday fadhiisamo dhowr ah oo ay kamid yihiin, Jowhar, Ceel-Baraf, Xawaadley iyo goobo kale.

Al-Shabaab ayaa laga saaray degaano dhowr ah, oo ay kamid yihiin; Baloog, Shamiito, Jiliyaale, Buulo-dheer, Qajafeey, War-ciise iyo kuwo kale, saraakiisha ayaa sidoo kale sheegay in ay hub ka furteen Al-Shabaab.

Ciidamada ayaa sidoo kale, waxaa ay fashiliyeen qaraxyo Al-Shabaab ku aaseen waddooyinka isku xira degaanada howlgalada laga fuliyay. Waxaa howlgalka si wadajir ah u fuliyay ciidanka xoogga dalka qeybta 27 aad, kumandooska DANAB, Harmacad iyo kuwa Hirshabeele.

Degaanada howlgalada laga sameeyay ayaa dhammaan waxaa ay hoos tagaan degmada Jowhar, qiyaastii 30km ayay u jiraan, waana degaano ahmiyad balaaran leh oo  Al-Shabaab in muddo ah Maamulayay.

xafiiska Wararka Qaranimo Online |
______________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post