798 Views

Madaxweyneyaasha Puntland iyo Jubbaland oo saakay dib ugu laabanaya Kismaayo iyo Garoowe

Madaxweyneyaasha Puntland  iyo  Jubbaland oo saakay dib ugu  laabanaya Kismaayo iyo Garoowe
____________________________________________________________________________

May 31 2021

Madaxweyneyaasha maamulada Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni iyo Jubbaland Axmed Maxamed Islaam( Axmed madoobe) oo mudooyinkii la soo dhaafay joogay magaalada Muqdisho ayaa soo geba-gabeeyay safarka ay ku joogaan magaalada Muqdisho, kadib markii heshiis rasmiya laga gaaray arrimaha doorashooyinka Soomaaliya.

labada Madaxweyne , ayaa maanta oo Isniin ah la filayaa in ay dib ugu laabtaan deegaanada Puntland iyo Jubbaland, islamarkaana ay si wadajir ah ay u gudaha galaan wax ka beddelka xubno ka tirsan guddiyada doorashooyinka heer Federaalka.

Heshiiskii arrimaha doorashooyinka ee Muqdisho lagu saxiixay ayaa qodob kamid ah qeexayay in isbeddel lagu sameeyo xubnaha ka tirsan guddiyada doorashooyinka, kuwaas oo cabasho laga muujiyay.

Xubnaha cabashada laga muujiyay ayaa u badan shaqaale ka tirsan dowladda Federaalka iyo dowlad goboleedyada dalka oo loo arko in aysan dhex-dhexaad noqon karin

.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post