357 Views

Ururka Midowga Afrika oo u gudbiyay casuumaad dowladda Itoobiya iyo ciidamada Tigray-ga wada-hadallo nabadeed

Ururka Midowga Afrika oo  u gudbiyay casuumaad dowladda Itoobiya iyo ciidamada Tigray-ga wada-hadallo nabadeed
____________________________________________________________________________

Khamiis: OCTOBER 6, 2022

Ururka Midowga Afrika ayaa u gudbiyay casuumaad dowladda Itoobiya iyo ciidamada Tigray-ga wada-hadallo nabadeed, oo la doonayo in lagu soo afjaro dagaalka sokeeye oo laba sano ka socda dalkaasi.

Wada hadallada ayaa la qorsheeyay in dhamaadka toddobaadkan ay ka dhacaan dalka Koonfur Afrika, wakaaladda wararka ee Reuters oo soo xiganaysa ilo diblomaasiyadeed ayaa sidaasi qortay.

La taliyaha amniga qaranka Itoobiya, ayaa sheegay in dowladdu ay aqbashay martiqaadka.

“Dawladda way aqbashay martiqaadkan, kaasoo waafaqsan mawqifkayaga in si nabad ah lagu xalliyo khilaafka dagaal ee haatan jira, iyo baahida loo qabo in la yeesho wada hadal shuruud la’aan,” ayuu bartiisa twitterka ku soo qoray.

Dhanka Tigreega ayaan wali ka hadlin martiqaadka.

Dagaal cusub ayaa dib uga soo cusboonaaday waqooyiga gobolka Tigray bishii Ogosto, kaasoo lagu jabiyay xabbad joojin bini’aadantinimo oo shan bilood socotay.

Xabbad-joojinta ayaa lagu heshiiyey in gargaarka loo oggolaado in uu gaaro gobolka Tigray ee waqooyiga Itoobiya.

Kumannaan kun ayaa ku dhintay dagaalka sokeeye ee ka socda, malaayiin kalena ay mar waliba u nugul yihiin sahayda aasaasiga ee gargaarka mar waliba loo gudbiyo.

Labada dhinac ayaa midba midka kale ku eedeeyay inuu mas’uul ka yahay dagaalka soo cusboonaaday

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post