1293 Views

KENYA oo fasiraad cusub oo nooc kale ah ka bixisay sababta ay safiirkeeda ugala baxday Soomaaliya

KENYA oo fasiraad cusub oo nooc kale ah ka bixisay sababta ay safiirkeeda ugala baxday Soomaaliya
____________________________________________________________________________

Mogadisho | QOL | Febaraayo 17, 2019 – Dowladda Kenya ayaa ka hadashay sababta ay Safiirkeeda ugala baxday Soomaliya isla markaasna ay u amartay in midka Soomaaliya uu deg deg ugu laabto dalkiisa.

Kenya ayaa Fasiraad nooc kale ah ku sheegtay sababta ay safiirkeeda ugala baxday Soomaaliya.

Xoghayaha Joogtada ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda Kenya Amb. Macharia Kamau ayaa sheegay in aanay Kenya eryin Safiirkii Soomaaliya u joogay Nairobi Maxamuud Axmed Nuur Tarsan, kaasoo saaka dib ugu laabtay magaalada Muqdisho.

Amb. Macharia ayaa qoraal uu bartiisa Twitter-ka ku qoray waxaa uu sixitaan ku sameeyay sida Warbaahinta uga hadashay tallaabadii Kenya ay ugu yeeratay Safiirkeeda, kuna wargelisay Safiirka Soomaaliya inuu ku laabto dalkiisa.

“Uma aanan yeerin safiirkeena, mana aanan eryin safiirka Soomaaliya balse waxaan ugu wacnay wadatashiyo, waxaana waydiisannay safiirkooda inuh dowladdiisa lasoo tashaso si aan u xallino arrintan annaga oo ka duuleyna macluumaad sugan iyo xogo saxan oo labada dhinac ah”. Xoghayaha Joogtada ah ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda Kenya”.

 

.

.

.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment