897 Views

Aadan Barre oo Hay’adda Guddiga Macalimiinta Kenya ku eedeeyay Takoor iyo awood sheegasho.

Aadan Barre oo Hay’adda Guddiga Macalimiinta Kenya ku eedeeyay Takoor iyo awood sheegasho.
____________________________________________________________________________

Mogadisho  –-2020—Hogaamiyaha Aqlabiyadda Baarlamaanka Kenya Aadan Barre Ducaale oo la hadlayay Macalimiin howlgab ah oo gaarayay 180 waxa uu ka dalbaday in ay dusha saartaan mas’uuliyadda Waxbarashada Ardayda Soomaalida Kenya.

Aadan waxa uu tilmaamay in barayaashaan ay buuxinayaan boosaskii ay ka kala tageen Macalimiinta kenyanka ah ee cabsida uga carartay Gobolka Waqooyi Bari ee Kenya, kadib markii ay naftooda kala baxeen weerarada Al-Shabaab.

Hogaamiyaha Aqlabiyadda Kenya ayaa kulanka uu la qaatay Macalimiinta ka dhex sheegay in hab dhaqanka Hay’adda Macalimiinta Kenya ay u muuqato Takoor iyo Awood sheegasho. Sida uu hadalka u dhigay.

Barayaasha howlgalka ah ee looga fursan waayay dib ugu laabashada Dugsiyada Waxbarashada waxa uu u jeediyay in ay noqdaan xalka dhabta ah ee waxbarasho la’aanta dhulka Soomaalida, si aysan u dayacmin Mustaqbalka Jiilka waxbaranaya.

Aadan Barre waxa uu tilmaamay in Kenya ay ku howlan tahay sugidda amniga, iyada oo ay taasi jirtana waxa uu codsaday in dulqaad loo muujiyo, si looga gun-gaaro hadalka ay hiigsanayaan Bulshada Soomaalida ee Kenya.

180 Macalin oo Soomaali ah, ayaa si tabarucaad ah ugu biiray goobaha Waxbarashada Kenya, kadib markii Macalimiinta aan deegaanka u dhalay ay isaga baxeen, maadaama ay u dulqaadan waayeen falalka amniga liddiga ku ah ee halkaa ku kordhay.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment