1968 Views

Waxaan heysanaa Ciidan laakiin waan dayacnay !!!

Waxaan heysanaa Ciidan laakiin waan dayacnay !!!
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | January 16, 2019 –Dhibka kasta oo dunida ka dhaca waxbaa laga bartaa, waa Cilmi, Waano iyo Xog aad heshay. Dhacdooyinka qaarkood waxaa lagu ogadaa tayada iyo nusqaanta waxa aad heysato.

Kenya shalay galab hoteel ku yaala bartamaha magaalada waxaa galay xubno ka tirsan Al-shabaab waxayna ka dhax-dagaalamayn muddo ka badan 17 saacadood oo xariir. Howlgalka samata-bixinta dadkii ku jiray hoteelka waxaa iska kaashaday Ciidamo ka socda Mareykanka, UK iyo kuwa Kenya waxayna ku guul-dareestayn iney waqti dhaw ku dhameeyaan howlgalkaasi, waxa uu ku gaaray kudhawaad 20 saacadood.

Xalay waxaan daawanayay ilaa 1-dii habeenimo sida ay wax u socdeyn waxaana aqriyay una daawaday Warbaahinta gudaha Kenya iyo tan dibadda waxaana iisoo baxay waxaan uga fiicanahay iyo waxay nooga fiican yihiin.

Farqiga Ciidamadii 3-da dal iyo kuwayna.

1) Waxaan ogaaday inaa leenahay Ciidan geesiyaal ah, wadaniyiin ah oo ka qiima badan kana saameyn badan Ciidamadii xalay howlgalka ku jiray ee ka socday 3-da Dowladood, oo naga qalab fiicnaa, naga tababar fiicnaa, ka mooral iyo mushaar fiicnaa, heystayna diyaarado caawiyo iyo qalab sheega qofka dagaalamaya halka uu ku jira iyo hubka uu heesto.

2) Waxaan ogaaday in Ciidankaynu aysan waqti badan ku qaadan badbaadinta dadka ku go’dooma dhibaatooyinka nuucaas oo kale ah oo dhowrjeer ka dhacay dalkayna, Alxmdlh. (Alle naguma keeno markale)

3) Waxaan ogaaday in Ciidankaynu ay diyaar usoo noqdaan iney soo badbaadiyaan shacabkayna Geeri iyo Nolal, halkii kuwii xalay iyaga rasaasta isaga dhigayeen kuwii loo loobaahnaa in la soo badbaadiyo (Shacabkii hoteelka ku jiray).

4) Waxaan ogaaday in Ciidankaynu aan dayacnay balse aysan iyagu na-dayicin, Waxaan ku deynay Madaxweyne iyo Reyasl Wasaare oo iyaga ku nool waxa yar ee laga helo Dekadda iyo Airport-ka.

5) Waxaan ogaaday in habeen iyo maalin qorraxda iyo dhaxanta u taagan yihiin badbaadada naftayna iyo dalkayna iyagoo qaarkood aan helin cunto iyo cabitaan midna. Waxaan dhinac marnaa anagoo wadano Gawaari qurux badan iyo Mukayf qabow badan midkeen ma garto inuu yiraahdo sidee xalay ku sugneed ileen maba seexane.

6) Qofna wax iskama weydiiso carruurtii ay dhaleen, Waalidkii ay ka soo tagayn, iyo Xaasaskooda. Laakiin markii uu dhib dhaco waan raadinaa annagoo aan war ka aheyn xaaladiisa iyo tan qoyskiisa.

7) Qiyaas Imisa ayaa dartaa usoo dhaawacmay oo hada daryeel la’aan Guryaha iyo Isbitaalada u yaala? miyeysan xaq nagu lahayn? waxaa jeceshay inaa ku raaxeysato aduunka laakiin iyago waxay jeceli yihiin inaa adiga aduunka ku raaxeysato si ay kuugu faanaan in amnigaada ay sugeyn. (Nasiib darro).

Bulshooy Ciidankaynu waa Wiilal iyo Gabdho aan dhalnay, nala dhashay, qaarkood na-dhalayn. (si walba waa carruurtayna iyo waalidkayn) ee maxaan uga dhignaa cadow, shi-sheeye xaasid ah, qof aan nafle aheyn oo kale ?

Warbaahinta maxaa laga bartay ?

Mudadii uu socday howlgalka Kenya warbaahinta iyo wariyaasha waxaan ka bartay cashir muhiim ah oo ay ila tahay inuu anfacayo wariye kasta oo Soomaaliyeed.
1) Wariyaasha intii ay doorka saari lahaayeen dhacdada waxy xooga saareyn ka qeyb qaadashada gurmadka socda, waxay meel dhigtayn qalabkii ay watayn.

2) Warbaahinta TV-yada iyo Idaacadaha waxay si wadajir ah u tabinayay Numbero loogu hagaago dadka dhibka gaaray iyo kuwa la soo badbaadiyay si aysan u wareerin waalidka habaabaya.

3) Warbaahinta ayaa sidoo kale Isbitaalada ka soo tabinayay dadka u baahan dhigga deg dega ah, TVyada Isbitaal walba waxay ku qorteen wariye si uu uga soo waramo waxa loo baahan yahay, maahan inuu ka hadlayo dadka la keenay, laakiin waxa uu ka soo hadlaya maxaa loo baahan yahay ? dhiig dad u baahan mala keenay? Isbitaalka Keyd dhiig ma yaalaa?

4) Saakay iyo Shalay waxay go’aamiyeen iney baahiyaan warar isku mid ah oo aan dhib iyo dhaawac ku aheyn Qarankooda iyo Shacabkooda, waxaa Internet-ka lagala dagaalamay Website-yada iyo baraha Internet-ka warbaahinta kale.

Xarumaha caafimaadka iyo dhaqaatiirta sidee u dhaqmeyn.

1) Waxaa heegan la geliyay dhamaan Isbitaalada iyo dhaqaatiirta Kenya, shaqaalihii Isbitaalada ee fasaxa ku maqnaa ayaa soo wada xaadiray meel fog iyo meel dhawba.

2) Qof kasta oo caafimaad yaqaana xalay kenya waxa uu diyaar u ahaa inuu badbaadiyo nafta go’aysa, dhalinyaro iyo waayeel waxay diyaar u ahaayeen in dhiig iyo xoogba ku deeqaan.

Wariyaasha Soomaaliyeed, dhaqaatiirta, Isbitaalada iyo Dhalinyarada Soomaaliyeed annaga maxaa noo diiday inaa sidaas dadkayna iyo dalkayna ugu adeegno?
Ma waxaan ku kala hormarnaa Sawirada, tirada dhimashada? dhaawaca, iyo muusiibada meesha ka dhacday? ilaa goorma ayaa sidaan sii ahaan doonaa ? maxaan u nahay dad muslim ah hadii ay kuwii aan muslimka aheyn naga naxariis badanyihiin?

Waxa aan ka raadineyno 30ka qof ee dalka hogaamisa ma ogtihiin in aan sidaan ku heli doonin? waxaan heysanaa xoog, dhaqaale, caafimaad iyo cilmigii aan ku horumari laheyn ee aan dib isugu laabano.

 

W/Q Xuseen Cabdulle Maxamed\

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment