1632 Views

Dowladaha Carabta Oo Loogu Baaqay Inay DFS Ka Taageeraan Qorsho Kasta Oo Ay Kula Dagaalami Karto Al-Shabaab

Dowladaha Carabta Oo Loogu Baaqay Inay DFS Ka Taageeraan Qorsho Kasta Oo Ay Kula Dagaalami Karto Al-Shabaab
____________________________________________________________________________

Muqdsiho | QOL | July 10, 2018 –Guddoomiyaha Barlamaanka dalalka Carabta, Mashcal Bin Fahmi Al-salaami waxa uu ugu baaqay Ururka Jaamacadah Carabta iyo Dowladaha xubnaha ka ah inay si wadajir ah DFS u siiyaan Taageero kasta oo lama huraan ah si loo dhiso Hay’addaha Dowladda ugu qaabilsan Arrimaha Ammaanka iyo in la dhiso Ciiddan Xooggan oo awoodi u leh La-dagaalanka Alshabaab.

Afhayeenka Barlamaanka dalalka Carabta oo saaray Qoraal loogu tala-galay Warbaahinta waxa uu kaga hadlay Taageeradda iyo Kalsoonida buuxda ee Barlamaanka Carabta la garab taagan yihiin dhamaan qorshaha iyo hawlgalladda DFS ee La-dagaalanka Alshabaab iyo soo-celinta Nabadda iyo Deganaanshaha Somalia.

Dhinaca kale, Guddoomiyaha Barlamaanka dalalka Carabta, Mashcal Bin Fahmi Al-salaami waxa uu si kulul u cambaareeyey Weerarkii ay Dagaalamayaasha Alshabaab dhawaan ku qaadeen Dhismaha Otto oo Xarun u ah Wasaaradaha Amniga Qaranka iyo Arrimaha Gudaha ee Xukuumadda Federaalka Somalia

Waxa uu tilmaamay inaysan falalka noocaasi ah wax u dhimi doonin dadaalka ay DFS  ugu jirto dhamaystirka dhismaha Hay’addaha Dowladda iyo dib-u-soo-celinta Nabadda iyo Deganaanshaha Somalia, waa sida uu hadalka u dhigay.

 

 

 

 

W/Q:-Bashiir Barre ALI

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

———————————————————————-

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment