1761 Views

Ciidanka AMISOM oo la barayo ka hortagga Qaraxyada Miinooyinka ah

____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | May 21, 2018 – Howlgalka Midowga Afrika ee AMISOM ayaa billaabay tababar dheeraad ah oo la siinayo Ciidanka AMISOM kaas oo la xiriira ka hortagga Qaraxyada Miinooyinka ah ee dhulka la geliyo.

Ciidamada Kenya ee jooga Gobollada Jubbooyinka iyo Gedo ayaa ka mid ah kuwa lagu billaabay tababarka ka hortagga Qaraxyada Miinooyinka ah.

Tan iyo 13kii January 2018,Ciidanka Kenya kaliya waxaa ay la kulmeen 13 Weerar oo Miinada dhulka la geliyo ah,kuwaas oo ku qabsaday Koofurta Soomaaliya.

Waxaa ugu dambeeyay Qarax Miino oo ay ku dhinteen 9 Askari kaas oo ka dhacay agagaarka Afmadow Jubada hoose,waxaana weerarkaas kaddib Ciidanka Kenya ay codsadeen tababar dhinaca ka hortagga Qaraxyada Miinooyinka ah.

Ray Nzano ,waa sarkaal ka tirsan howlgalka Hay’adda ka hortagga Miinooyinka ee UNMAS,waxaa uu hadda koofurta Soomaaliya u joogaa in uu Ciidanka Kenya ka saacido tababarka Qaraxyada Miinooyinka ah iyo sida looga hortago.

Waxyabaaha la barayo Ciidanka Kenya waxaa ka mid ah sahminta Qaraxyada,bur burinta marka la helo meesha ay ku jiraan,sida loo kala fur furo iyo in Ciidanka ay helaan Agab u sahlaya in ay ogaadaan halka ay ku jiraan Qaraxyada.

.

W/Q:-Bashiir Barre ALI

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment