783 Views

Gudoomiye kuxigeenka Amniga & Siyaasada Maamulka Gobolka Banaadir oo cayaartoyda Galmudug u balan qaaday Sawiro..

Gudoomiye kuxigeenka Amniga & Siyaasada Maamulka Gobolka Banaadir oo cayaartoyda Galmudug u balan qaaday Sawiro..
____________________________________________________________________________

Gudoomiye kuxigeenka Amniga & Siyaasada Maamulka Gobolka Banaadir Cali Cabdi wardheere Cali yare ayaa ku bogaadiyay cayaartoyda maamulka Galmudug ee bari u balansan in ay la cayaraan cayaartoyda Gobolka banaadir, waxa uuna Gudoomiye kuxigeenka Amniga & Siyaasada Maamulka Gobolka Banaadir  Cali yare ku bogaadiyay cayaartoyda in ay koobka geeyaan Magaalada Dhuusamareeb.

Cali yare ayaa sheegay in xiligaan la gaaray Xiligii koobka uu u hoyan lahaa magaalada Dhuusamareeb ee caasimada galmudug.

“ Maadaama aad reebteen  Puntland waxaan filaa in koobka aad gayn dontaan magaalada Dhuusamareeb, waxaana idin leeyahay waxaan idiin balan qaadayaa taageero Kasta, gaar ahaan waxaan idin leeyahay kobkan waxaa la garay Xiligii uu tagi lahaa Gobolkeena”ayuu yiri Gudoomiye kuxigeenka Amniga & Siyaasada Maamulka Gobolka Banaadir Cali Yare Cali.

Cali yare ayaa u balan qaaday cayaartooyda maamulka Galmudug ee Bari la cayaari Doono cayartoyda Gobolka banaadir taaageero dhaqaale hadii ay hantaan koobkaas.

Sidoo kale Warar xog ogaal ah ayaa Bogan u xaqiijiyay in cali yare uu u balan qaaday lacag dhan 20-$-kun oo dolar in uu siinayo cayaartoyda hadii ay ku guuleestaan koobkaas.

Cabdixakiin Cilmi Xasan

Nairobi

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post