201 Views

M/weynaha Galmudug oo gaarey deegaanka Cadakibir oo dhawaan weerar ka geysteen Al-shabaab

M/weynaha Galmudug oo gaarey deegaanka Cadakibir oo dhawaan weerar ka geysteen Al-shabaab
____________________________________________________________________________

Talaado: SEPTEMBER 6, 2022

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa gaaray deegaanka Cadakibir ee gobolka Galgaduud oo Al-shabaab dhowaan ka jareen isgaarsiinta iyo biyaha, kadib markii ay miinooyin ku xereen xarumaha isgaarsiinta iyo ceel biyood.

Madaxweynaha ayaa warbixinno ka dhageestay gudoomiyaha deegaanka iyo odayaasha dhaqanka, waxuuna halkaas kula kulmay ku dhawaad 150 qof oo dadka deegaanka ah, kuwaas oo iskood isku hubeeyay in ay ka hortagaan Al-shabaab.

Madaxweyne Qoorqoor ayaa shacabka ugu baaqay in ay xoojiyaan dagaalka ka dhanka ah Al-shabaab, isla markaasna ay Ciidanka Ammaanka heegan buuxa la geliyay guud ahaan deegaannada Galmudug.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post