1809 Views

Shaqaale Ka Tirsan W/Arrimaha Gudaha Oo Geeriyooday Kadib Markii Ay Iska-Soo Tuureen Dabaqa Wasaaradda Ee La Weeraray

Shaqaale Ka Tirsan W/Arrimaha Gudaha Oo Geeriyooday Kadib Markii Ay Iska-Soo Tuureen Dabaqa Wasaaradda Ee La Weeraray
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | July 7, 2018 – Shaqaale ka tirsan Wasaaradda Arrimaha Gudaha oo geeriyooday,kadib markii ay Dabaqa Wasaaradda

Weerar qaraxyo ku bilaawday ayaa lagu qaaday Xarumaha Wasaaradaha Arrimaha Gudaha iyo Amniga oo ku yaalla Isgoyska Sayidka ee Magalada Muqdisho,waxaana qaraxa ka dib la maqlay rasaas xooggan.

Wararka qaar ayaa waxa ay sheegayaan in rag hubeysan oo gaaraya ilaa Saddex ay gudaha u galeen Xarunta Wasaaradda,isla markaana uu jiro khasaaro dhimasho iyo dhaawac ah oo ka dhashay qaraxaas.

Mid ka mid ah Shaqaalaha Wasaaradda Arrimaha Gudaha ayaa la xaqiijiyey in uu geeriyooday halka laba kale ay dhaawacmeen,kadib markii ay iska-soo tuureen Dabaqa Wasaarada xilliga uu weerarka dhacay,kuwaas oo kala ahaa Gabar iyo Wiil,isla markaana isla goobta ay ku geeriyoodeen.

Gawaarida Gurmadka deg dega ee Ambalaasta ayaa goobta weerarka uu ka dhacay gaaray,waxana istaagtay rasaas goobta laga maqlayey qaraxyada kadib.

.

W/Q:-Bashiir Barre ALI

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

__________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment