783 Views

Madaxweynaha dawlad deegaanka Mustafe Cumar oo ka hadlay dagaalka waqooyiga Itoobiya

Madaxweynaha dawlad deegaanka Mustafe Cumar oo ka hadlay dagaalka waqooyiga Itoobiya
____________________________________________________________________________

Talaado: November 9, 2021

Madaxweynaha dawlad deegaanka Soomaali Galbeed Mustafe Muxumed Cumar ayaa ka hadlay dagaalka waqooyiga Itoobiya ee haatan ku faafaya guud ahaan dalka Itoobiya.

Mustafe Cagjar ayaa wareysi uu bixiyay waxaa uu kaga hadlay arrimo dhowr ah oo ku aaddan dagaalka lagu riiqmay ee u dhexeeya TPLF iyo Dowladda Federaalka Itoobiya, iyadoo sidoo kale uu shaaca ka qaaday in ay jirto saameyn uu ku yeeshay dhanka Soomaalida.

“Dagaalka socda waa lagu kala adkaan, TPLF waxaa ay dalka iyo umaddaha kale dhibaato ku hayeen muddo ka badan 27 sano,waana laga adkaan doonaa, si gaar ah waa la og yahay dhibaatadii ay u gaysteen shacabka Soomaalida, marka waa laga adkaan” ayuu yiri Mustafe cagjar.

Degaanka Soomaalida oo Abaaro iyo xaalado nololeed ay la degeen ayuu sheegay madaxweynaha Dowlad degaanku in ay wadaan dadaallo xooggan oo diiradda lagus aarayo sidii loogu gurman lahaa dadka dhibaataysan.

Waxaa uu intaas ku daray in Hay’adaha gar-gaarka ay la shireen sidoo kalena ay haatan degaanno dhowr ah Biyo dhaamin u sameeyeen, waxaana uu sheegay in caawinta iyo u gurmashada dadka shacabka ah ay u istaageen Mas’uuliyiinta ismaamulka oo gacan ka helaya hay’adaha Gar-gaarka.

“Ma jiraan wax la yiraahdo Muxaafad iyo mucaarad,arrintu waxaa ay joogtaa cadow, ciddii TPLF la safan waa cadow, oo inaga cadow ayuu inoo yahay,sidoo kale Cadowga TPLF waa dowladda iyo shacabka nabadda doonaya” ayuu yiri Cagjar.

Office Nairobi kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post