1044 Views

Madaxweyne Salva Kiir Mayardit oo waraaqaha Aqoonsiga ka guddoomay Danjiraha cusub ee Soomaaliya

Madaxweyne Salva Kiir Mayardit  oo  waraaqaha Aqoonsiga ka guddoomay Danjiraha cusub ee Soomaaliya
____________________________________________________________________________

Arbaco: July 14, 2021

Madaxweynaha dalka Koonfurta Suddan Salva Kiir Mayardit, ayaa waraaqaha Aqoonsiga ka guddoomay Danjiraha cusub ee Soomaaliya Cabdixakiim Xaaji Cumar Cabdullaahi (Camey).

Safiirka Soomaaliya ee dalka South Sudan Danjire Camey, ayaa ugu horreyn dhambaal iyo Salaan uu kaga ka siday Madaxweynaha Jamhuuriyada Soomaaliya gaarsiiyey Madaxweynahana Koonfurta Sudan Salva Kiir Mayardit.

Madaxweynaha iyo danjiraha ayaa ka wada hadlay xoojinta xiriirka labada dowladood ee Somalia iyo Koonfurta Suddan, gaar ahaan iskaashiga iyo wax wada qabsiga.

Koonfurta Sudan ayaa waxaa ku nool kumanaan Soomaali ah oo halkaas ku heysta shaqooyin kala duwan, haba u badnaadeen ganacsiga.

\

Office Nairobi kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post