1020 Views

Wakiilada Beesha Caalamka oo kulan ka leh xaaladda Soomaaliya

Wakiilada Beesha Caalamka oo kulan ka leh xaaladda Soomaaliya
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | February 20 2021–Wakiilada Beesha Caalamka ee Soomaaliya ee C6+ ayaa shir ku leh Xalane ee Magaalada Muqdisho, iyaga oo shirkooda uga hadlaya xaaladaha kasoo cusboonaaday Magalada muqdisho.

Xubnaha Beesha Caalamka ayaa horay walaac uga muujiyay xaalada kajira dalka iyo khilafka ka taagan doorashooyinka, waxaana la filayaa inay go’aano la xiriira arrimaha Soomaaliya inay soo saran.

Kulankaan ay leeyihiin Wakiilada Beesha Caalaamka ayaa kusoo aaday xilli xiisada siyaasadeed ee dalka ay cirka isku shareetay, kaddib markii shaqaaqooyin sababay dhimasho iyo dhaawacay shalay iyo habeen hore ka dhaceen Muqdisho.

Xubnaha Midowga Musharixiinta Madaxweynaha ayaa shalay, iyaga oo Warbaahinta la hadlayay waxaa ay ugu baaqeen Beesha Caalamka inay isha ku hayaan tallaabooyinka uu qaadayo farmaajo, isla markaana aysan ku taageerin.


xafiiska Wararka Qaranimo Online |
______________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post