6498 Views

General Cali Gab oo beeniyay in uu jirdilay Guddoomiyaha Xamarweyne

General Cali Gab oo beeniyay in uu jirdilay Guddoomiyaha Xamarweyne
____________________________________________________________________________

Muqdisho, 24 December 2015: General Cali Xirsi Barre “Cali Gaab” oo ah Taliyaha Ciidamada Booliska Gobolka Banaadir, ayaa beeniyay inuu Jir dil u geeystay Guddoomiyaha Degmada Xamar-weyne ee Gobolka Banadir C/qaadir Maxamed C/qaadir.

Taliyaha Ciidamada Booliska Gobolka Banadir ayaa sheegay in uu fulinayay amar ka soo baxay madaxda ka sareysa balse uusan wax jirdil ama handadaad ah kula kicin guddoomiyaha degmada Xamar Weyne.

Sidoo kale Taliyaha Booliska Gobolka Banaadir ayaa tilmaamay in aysan jirin Cid uu gacan u qaaday islamarkaana uu tix galin u haayo Guddoomiyaha Degmada Xamar-weyne.

“Maya aniga nin Jeneral ah oo lixdan jir ah afartan sano ciidamada ka soo shaqeeyay ciidamada, aniga haddaan wax ba’ashay iyo hadaan wax saxayba waxaan ku soo celiyay gacanta dowlada xaruntii wakaalada filimada Soomaaliyeed, ma feerin ma jirdilin,balse waxaan fuliyay amarka madaxdeyda ee ah in laga saaro dadkii degenaa dhismihii dowlada.”ayuu yiri General Cali Gaab.

General Cali Gaab waxa uu sheegay in uu raaligelinayo haddii uu wax tabanayo guddoomiyaha degmada Xamar Weyne.

“Waan u mahad celinayaa guddoomiyaha waxaan filayaa in ay carro ka keentay hadalkiisa anigana waxba uma qabo,”ayuu sii raaciyay General Cali Gaab.

Guddoomiyaha Xamar-weyne C/qaadir Maxamed C/qaadir ayaa maanta sheegay in taliyaha ciidamada Booliska Gobolka Banaadir uu Jir dil u geystay in kastoo wax uu ku cadeeyay ayna jirin.

—————————————–

Ali Omar Ghedi | Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment