852 Views

Ra’iisul wasaaraha Giriigga oo sheegay in ay waajib tahay badbaadinta nolosha aadanaha

Ra’iisul wasaaraha Giriigga oo sheegay in ay waajib tahay badbaadinta nolosha aadanaha
____________________________________________________________________________


Sabti: August 7, 2021

Raiisul wasaaraha dalka Giriigga oo uu dab ka holcayo ayaa sheegay in dalkaasi ay tahay inuu si degdeg ah u beddelo hannaankiisa ku aaddan ka hortagga dabka iyo daadadka. Kyriakos Mitsotakis ayaa sheegay inay waajib tahay in badbaadinta nolosha aadmiga ay noqoto muhiimadda koowaad.

Balse wuxuu garwaaqsaday cambaareynta ku saabsan sida ay dowladdu wax uga qabatay dabka, wuxuuna sheegay inay jiri doonaan tallaabooyin mustaqbalka loogu talo galay sida, in dib dhir loogu beero dhulka uu dabku baabi’iyay.

Dabka ayaa kumannaan qof ku qasbay inay ka qaxaan guryahooda ku yaalla hareeraha Athens iyo meelo kale. Dabeylo aan la saadaalin karin ayaa carqaladeeyay dadaallada lagula dagaallamayo dabka. Labo qof oo looga shakiyay inay dabka huriyeen ayaa la xiray.

BBC

OfFice Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post