951 Views

Shakuul oo kamid ah Ganacsatada Soomaalida Kenya oo ka digay in dibadbaxyo ay ka dhacaan Magaalada Nairobi gaar ahaan islii

Shakuul oo kamid ah Ganacsatada Soomaalida Kenya oo ka digay in dibadbaxyo ay ka dhacaan Magaalada Nairobi  gaar ahaan islii
____________________________________________________________________________

Talaado:October 12, 2021

 Soomaalidu ku badan tahay ee Islii kaddib xukunka Sheekh Maxamed Ibraahim Shakuul oo kamid ah Ganacsatada Soomaalida Kenya oo la hadlay VOA ayaa ka digay in dibadbaxyo ay ka dhacaan Magaalada Nairobi gaar ahaan xaafadda Maxkamadda ICJ.

waxa uu ku sheegay in Soomaalida Kenya joogta qayb kamid ah ay taageersan tahay in Soomaaliya loo rido xukunka halka qaar kale ay daneynayaan in dhinaca Kenya loo go’aamiyo, taasina ay ka dhalan karto isku dhac sida uu hadalka u dhigay.

“Dareenka Cabsida ah waxa uu dhashay kaddib markii ay soo baxeen warar sheegaya in daraf kamid ah Soomaalida Islii joogta in ay u dabbaaldegayaan haddii dacwadda Badda Soomaaliya loo xukumo halka ay jiraan dad kale oo kasoo horjeeda ayuu yiri Sheekh Maxamed Ibraahim Shakuul.

Maxamed Shakuul waxaana uu soo jeediyay in laga fogaado wax weliba oo abuuri kara rabsho keeni karta in la dhibaateeyo Dadka Soomaalida & Hantidooda sida uu hadalka u dhigay.

Xaqiiqdii waa in laga feejignaadaa falcelin weliba oo ka dhalan karta go’aanta Maxkamadda iyada oo laga fikirayo naftada & hantida taal, Xaafadda isku raranta ah ee saaran islii waxaa ku sugan burcad ka faaiideysan karta khalalaase weliba oo dhaca, xitaa ciidanka ayaa dadka boobi kara” ayuu yiri Sheekh Shakuul.

.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post