2265 Views

Mareykanka oo sharciga u cusbooneysiiyay Soomaali badan

Mareykanka oo sharciga u cusbooneysiiyay Soomaali badan
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | July 20, 2018 –  Waaxda arrimaha gudaha dalka Mareykanka ee loo yaqaano (Home Land Security) ayaa mudo 18 bilood ah sharciga dal ku jooga ah u kordhisay 500 qof oo Soomaali ah, kuwaasi oo aad uga wal walsanaa waxa ay la kulmi doonaan.

Dadka sharcigan loo yaqaano TBS-ka ee ku meel gaarka ah loo cusbooneysiiyay ayaa waxa ay intooda badan ku nool yihiin gobolka Minnesota oo ah gobolka ay Soomaalida ku badan yihiin.

Arrintan ayaa ka dambeysay kadib markii Senataro Mareykan ah oo gaaraya 22 iyo Hay’adaha u dooda xuquuqda aadaha ay barnaamijkan kala hadleen dowladda Mareykanka, sidaasina waqtiga sii joogitaankooda dalkaasi loogu kordhiyay.

Boqolaal dad ah ayaa xalay farxad ku seexday, maadaama 18 bilood oo hor leh loo siiyay inay joogaan dalka Mareykanka, kana shaqeystaan gudaha Mareykanka.

Waaxda arrimaha gudaha dalka Mareykanka ayaa diiday dadka dhawaan tagay Mareykanka ama kuwa hada galaya inay sharci siiso, balse keliya waxay cusbooneysiin u sameysay kuwa horey u heystay sharciga deganaanshaha.

Tan iyo markii talada dalka Mareykanka uu la wareegay Madaxweyne Donald Trump, Soomaali badan ayaa dib looga soo celiyay dalkaasi, kuwaasi oo lagu eedeeyay inay dambiyo ka galeen Mareykanka iyo inay aysan heysan sharciga deganaanshaha.

.

W/Q:-Bashiir Barre ALI

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

______________________________________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment