477 Views

Madaxweynaha Ukraine Volodymyr Zelenskyy oo u yeeray danjiriyaasha u fadhiyay dalalka Morocco iyo Georgia

Madaxweynaha Ukraine Volodymyr Zelenskyy oo u yeeray danjiriyaasha u fadhiyay dalalka Morocco iyo Georgia
____________________________________________________________________________

Khamiis: March 31, 2022

Madaxweynaha Ukraine Volodymyr Zelenskyy ayaa u yeeray danjiriyaasha u fadhiyay dalalka Morocco iyo Georgia, ka dib markii diblomaasiyiintan ay ku guuldareysteen in ay ka dhaaciyaan dalalka ay joogeen in ay cunaqabateyn saaraan Ruushka maadaama uu ku soo duulay dalkiisa.

“Anigoo idin xushmeynayna, hadaadan hub heysan, oo cunaqabateyn saari Karin ama aadan xayiri Karin ganacsatada Russia, fadlan shaqo kale raadsada,” ayuu Zelenskyy ku yiri khudbad xalay u jeediyay dadkiisa.

“Maalmaha soo socda waxaa filayaa natiijo cad oo ka soo baxda dalalka; Latin Amerika, Afrika, Bariga dhexe iyo Koofur Bari Aasiya,” ayuu ku daray hadalkiisa.

Madaxweyne Zelenskyy, ayaa todobaadyadii u dambeeyay wuxuu khudbado u jeedinayay baarlamaanada dalalka caalamka, isagoo ku boorinayay in ay taageeraan Ukraine isla markaana ka soo hor jeestaan duulaanka Russia.

Hadalka madaxweynaha ayaa imaanaya xilli wefdi ka socda Ukraine ay ku sugan yihiin Washington si Mareykanka uga dhaadhiciyaan in uu kordhiyo cunaqabateynta Russia.

Sidoo kalena waxay codsanayaan in taageero militiri iyo mid maaliyadeed lagu bari taaro Ukraine oo xilli adag ku jirta.

.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post