1185 Views

Ciidamo ka tirsan NISA oo xoog ku galay Xarun Telefeshin

Ciidamo ka tirsan NISA oo xoog ku galay Xarun Telefeshin
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | February 08, 2021–Ciidamo ka tirsan Nabad Sugida Soomaaliya ayaa waxaa la sheegay inays I sharci darro ah ku galeen Xarunta Telefeshinka Somali Cable oo ku taal meel u dhow Isgoyska Boondheere dhinaca degmada Warta-nabadda.

Sida lagu daabacay Bogga uu Telefeshinka ku leeyahay Barta Facebook Ciidamada ayaa ka tirsan kuwa degan Godka Jilacow, waxaana ay kaxeysteen laba kamid ah Shaqaalaha oo kala ah Sayid Cali oo Cameraman ah iyo Darawalka TV-ga.

Sidoo kale Maamulka Tv-ga Somali Cable waxaa ay sheegeen in  Ciidanka NISA ay Bistoolado ku qabteen Shaqaale ka tirsan Telefeshinka, isla markaana aan  la ogeyn sababta.

Waana markii 2-aad oo Ciidamada Nisa ay gudaha u galaan Xarunta Somali Cable, waxaana warar soo baxaya ay sheegayaan in dib loo siidaayay labada kamid ah shaqaalaha oo ay ciidamada kaxeysteen.

xafiiska Wararka Qaranimo Online |
______________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post