1434 Views

Maamulka Koonfur Galbeed oo shir ka yeeshay la dagaalanka Al-Shabaab

Maamulka Koonfur Galbeed oo shir ka yeeshay la dagaalanka Al-Shabaab
____________________________________________________________________________

Muqdisho |  September 14, 2021–Taliyaha qeybta Booliska Qeybta Gobolka Baay Gaashanle Sare Aamin Maxamed Daruur ayaa Maanta shir gudoomiyey shirka Todobaadlaha gollaha Amniga Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed.

Shirka ayaa waxaa looga hadlay u diyaar garoowga Howlgalloada ka dhanka ah Al-Shabaab iyo sidii loo xoojin lahaa Amniga guud ee degaannada Koonfur Galbeed.

sidoo kale shirka waxaa sigaar ah diirada loogu saaray sidoo loo sugi lahaa amniga Magaalooyinka Baydhabo iyo Baraawe oo ka dhacayso doorashada Xildhibaanada Aqalka hoose ee Baarlamaanka Soomaaliya.

Taliyaha qeybta Booliska Qeybta Gobolka Baay Gaashanle Sare Aamin Maxamed Daruur ayaa faray Saraakiisha ka qeyb gashay kulanka inay dardar geliyaan howlaha sugida amniga iyo dagaalada ka dhan ah Al-Shabaab.

Dhawaan Madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdi Casiis Xasan Maxamed laftagareen iyo Taliyaha qeybta 60aad ee Ciidanka xoogga dalka waxaa ay sheegeen in Al-Shabaab laga saari doono degaannada ay kaga sugan yihiin Koonfur Galbeed.

Xafiiska Qaranimo Online | Muqdisho

_________________________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post