831 Views

Hirshabeelle oo faahfaahisay diyaarad ku dhacday Beledweyne

Hirshabeelle oo faahfaahisay diyaarad ku dhacday Beledweyne
____________________________________________________________________________

Mogadisho | QOL |  July 14 2020–Maamulka Hirshabeelle ayaa faahfaahin ka bixiyay diyaarad siday gargaar loogu talagalay dadkii ay saameeyeen fatahaadihii gobolka Hiiraan ku dhuftay oo ku burburtay garoonka diyaaradaha ee Beledweyne.

Gudoomiyaha gobolka Hiiraan Cali Jeyte Cismaan ayaa sheegay in diyaaradda ay kusoo dhacday Garoonka, islamarkaana la waayay dabdamis, maadaama uusan la aheyn Garoonka Ugaas Khaliif.

Waxaa uu sidoo kale sheegay in aysan jirin khasaare nafadeed oo ka dhashay diyaaraddaan, laakiin ay ku gubteen wixii saarnaa.

“Waa ayaan-darro in garoonka diyaaradaha ee magaalada Beledweyne uusan laheyn gaadiidka dab demiska , waxaana mas’uuliyaddaas qaadanaya dowladda dhexe iyo ciidamada AMISOM”ayuu yiri Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan Cali Jeyte Cismaan.

Ilaa hadda ma cadda sababta keentay burburka diyaaradda oo dooneysay inay cago dhigato garoonka balse dhacday dabadeedna uu dab ka kacay.

Diyaarada oo ka tagtay dalka Jabuuti ayaa shaqaalihii saarnaa oo saddex ahaa laga badbaadiyay.


Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho
_______________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post