1425 Views

Sudan oo ka digtay buuxinta wajiga labaad ee biyo xireenka Itoobiya

Sudan oo ka digtay buuxinta wajiga labaad ee biyo xireenka Itoobiya
____________________________________________________________________________

Isniin: July 19 2021

Dowladda Sudan ayaa kadigtay kororka biyaha ee wabiga Niil, iyadoo uu ka da’ayo roobab ma hiigaan ah dhulka buuraha dhaadheer ee Itoobiya.

Sida laga soo xigtay sargaal sare oo katirsan wasaaradda biyaha iyo waraabinta ee Sudan, Mutasim al-Awad, ayaa sheegay inuu jiro koror inyar inyar ee biyaha wabiga Nile.

Tani ayaa timid saacado kadib, markii ay soo baxeen warar tilmaamaya in hoos u dhac uu ku yimid biyihii gaarayey biyo xireenka Sudan, maadaama Itoobiya ay bilowdey wajiga labaad ee buuxinta biyo xireenkeeda.

Sudan, Itoobiya iyo Masar, ayaa isku maan dhaafsan muddo dhan tobanaan sano ah buuxinta iyo hawlgalinta biyo xireenkeeda.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post