552 Views

Cali jeyte cismaa oo Dowladda dhexe ku eedeyay in ay indhaha ka qabsatay abaaraha ka jira Hiiraan.

Cali jeyte cismaa oo Dowladda dhexe ku eedeyay in ay indhaha ka qabsatay abaaraha ka jira Hiiraan.
____________________________________________________________________________


Axad: January 9, 2022

Gudoomiyaha Gobolka Hiiraan Cali Jeyte Cismaan oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan ayaa dawladda dhexe iyo maamulka hirshabelle ku eedeyay in ay indha ka qabsadeen abaaraha ka jiro gobolka hiiraan.

Gudoomiyaha oo si hadlayay ayaa shegay in ay haatan u baahan yihiin gurmad deg,deg ah isagoona baaq udiray dowlada dhexe iyo maamulka hirshabelle,

Cali jeeyte Cismaan ayaa sheegay in uu dhaliil usoo jeedinayo gudiga gurmadka abaaraha ee uu magacaabay Ra’iisul wasaare rooble isagoona shegay in aysan soo gaaraiin wax gurmad ah.

“Guddiga gurmadka abaaraha ee xafiiska Ra’iisul wasaraha laga magacaaay ilaa hadda waan dhaliileynaa name soo gaarin hadii aan xiriir la sameeynana waa heli weynay,, ayuu yiri Cali jeyte cismaan gudoomiyaha gobolka Hiiraan.

Hadalka gudoomiyaha ayaa kusoo aadayo xili gobolada dalka ay kajiraan abaaro baahsan iyo biyo la,aan, waxaan yar inta ay Dowladdu gaarsiisay gurmadka dadku ay abaaruhu saameeyeen.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post